Shirkii u dhaxeeyay Donald Trump iyo Kim Jong Un oo natiijo la’aan ku soo dhamaaday

0
588

Shirkii u dhaxeeyay Donald Trump iyo Kim Jong Un oo natiijo la’aan ku soo dhamaaday

Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa baahiyay in heshiis la’aan uu ku soo dhamaaday Shirkii magaalada Hanoi ee dalka Vietnam ku wada yeesheen Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.

Laba hoggaamiye ayaa goordhow soo gabagabeeyay kulan laba Cisho ahaa oo ay wada yeesheen, kaasoo ku soo dhamaaday Natiijo la’aan, waxaana sidoo kale la baajiyay kulan qado ahaa oo heshiiska kadib lagu balamay.

Waxyaabaha la isku fahmi waayay waxaa kamid ah Ajendayaal ay kala wateen Trump iyo Kim Jong Un, iyadoo midkasta uu miiska soo saaray dalabkiisa, waxaana Saaka qabsoomay kulan Fool ka Fool ahaa, iyadoo lagu balamay iney qabsoomaan kulamo kale.

Trump, ayaa doonayay in Xukuumada Pyongyang ay dhigto hubka Nuclear-ka, halka, Kim Jong Un uu doonayay isaguna in laga qaado cunaqabateynta Caalamga ah ee saaran, lama oga sida uu xaalku noqon doono, iyadoo indhah Caalamka uu ku sii jeeday natiijada Shirka magaalada Hanoi.

Shirka Hanoi ayaa noqday midkii labaad oo labada dhinac yeeshaan, iyadoo midkii ugu horeeyay uu ka dhacay 8 bilood kahor dalka Singapore, kaasi oo taariikh cusub u sameeyy Mareykanka iyo Kuuriyadda Waqooyi.

Kulankii Singapore ee 2018 wuxuu ahaa kii ugu horeeyay oo Madaxweyne Mareykanka ah la qaato Hoggaamiye ka socda Kuuriyadda Waqooyi, waxaana uu ku soo beegmay xilli xiisad ka jirtay gacanka Kuuriya.

Labada dal ayaa isku celinaya meydadka Askar ay iska dileen intii uu socday dagaalkii sanadihii 1950 iyo ­1953, iyadoo la is ­dhaafsan doono safiirro, si loo xoojiyo xiriirkooda diblomaasi, marka ay dib u kulmaan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here