Waa kuma madaxweyne xigeenka cusub ee Sudan

0
679

Waa kuma madaxweyne xigeenka cusub ee Sudan

Madaxtooyada Sudan ayaa sheegtay in wasiirka gaashaan dhigga, Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf, loo magacaabay madaxweyne xigeenka koobaad, xilka gaashaan dhiggana uu haynayo.

Madaxweyne Cumar Al-Bashiir ka Sudan ayaa Jimcihii dalka ku soo rogay xaalad degdeg ah oo muddo sannada ah, waxaanu dhisay dawlad ku meel gaadh ah oo ay ku jiraan saddex wasiir oo uu ka soo reebay xukuumaddii hore oo kala ah wasiirrada gaashaan dhigga, arimaha dibadda iyo caddaaladda.

Waxa sidoo kale uu Al-Bashiir badhasaabaddii gobollada ku bedelay saraakiil milatari ah.

Hadaba waa kuma wasiirka gaashaan dhigga ee madaxweyne xigeenka koobaad noqonayaa:

Bin Cawf wuxu bilowgii kontonaadkii ku dhashay tuulada Qura oo ka tirsan degmada Wad Maalik. Wuxu galay kulliyada ciidanka waxaanu tababar milatari markii dambe u tagay Masar oo uu ku takhasusay madaafiicda. Markii dambena waxa uu macallin ka noqday kulliyadda layliga saraakiisha.

Hogaamiyaha Sudan oo ku dhawaaqay xukun degdeg ah

Dhaqaalaha Sudan oo sii liicaya

Intii uu ku jiray shaqada ciidannimada wuxu noqday taliyaha sirdoonka milatariga iyo ku xigeenka taliyaha ciidamada qalabka sida.

Wuxuu door weyn ka qaatay isku soo dhawayntii Sudan iyo Eritrea markii uu madaxa ka ahaa gudidii nabadgelyada ee ka qayb qaadanaysay wadaxaajoodkii Sudan iyo Eritrea dhex maray.

Markii uu shaqada a fadhiistay sannadkii 2010-kii ayaa loo magacaabay safiir ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda, waxaanu noqday agaasimaha waaxda xallinta khilaafaadka. Ka dib waxa loo bedelay inuu noqdo qusulka guud ee safaaradda Sudan ee Qaahira, markii dambana waxa uu noqday danjiraha Sudan u fadhiya dalka Cumaan.

Bishii Agost sanadkii 2015-kii ayaa madaxweynaha Sudan digreeto madaxweyne oo uu soo saaray ugu magacaabay Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf wasiirka gaashaan dhigga.

Waxa la sheegaa in intii uu xilkaa hayey ciidanka Sudan ku tallaabsaday horumar dhinaca saanadda ah gaar ahaan sawaariikhda iyo madaafiicda.

In kasta oo dadka reer Sudan dalbanayeen in ciidamada dalkooda ee Yemen jooga, ayaa mar uu ka hadlay ciidamada Sudan ee jooga Yemen waxa Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf uu ku nuuxnuuxsaday in xukuumaddiisa ay ka go’antahay in ciidamadeedu sii joogaan Yemen oo ay qayb ka ahaadaan isbahaysiga sucuudigu hogaaminayo ee ilaalinta xukuumadda sharciga ah ee Yemen. Waxaanu shir jaraa’id oo uu ka hadlayey ka sheegay in joogitaanka ciidamada qalabka sida ee Sudan ee dalka Yemen yahay waajib akhlaaqi ah oo saaran.

Dhanka kale guddi ka socotay Qaramada Midoobay oo baadhaysay dhibaatada gobolka Darfur sanadkii 2005 tii ayaa magaciisa ku dartay liiska masuuliyiin lagu eedeeyey in ay sababeen dhibaatooyinka halkaa ka taagnaa. Sida oo kale Maraykanka ayaa ku daray liiska madow ee dadka uu eedeeyo oo uu ku sababeeyey doorkii uu ku lahaa dagaalka Darfur markii uu ahaa taliyaha sirdoonka milatariga.

Bin Cawf waxa uu bedelayaa Jeneraal Bakri Xasan Saalix oo ahaa madaxweyne xigeenka koobaad ee Al-Bashiir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here