Mareykanka Oo Si Daahsoon U Muujiyay In Doorashadii Congo Lagu Shubtay

0
541

Mareykanka Oo Si Daahsoon U Muujiyay In Doorashadii Congo Lagu Shubtay

Mareykanka ayaa ku eedeeyay dhowr saraakiil sarsare oo ku sugan Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo inay ku lug leeyihiin musquqmaasuq la xiriira doorashadii madaxtinnimada ee lagu murmay ee dhowaan dalkaasi ka dhacday.

Mareykanka ayaa saraakiishaasi ka tirsan guddiga doorashada ka mamnuucay dal ku galka Mareykanka – kuwaas oo ay ku jiraan madaxa guddigaasi Corneille Nangaa – iyo sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah.

In Mareykanka uu dal ku galkiisa ka mamnuuco saraakiisha sarsare ee Congo waa hab uu ku muujinayo inuu ogyahay in doorashada lagu shubtay.

Kormeerayaal badan ayaa rumeysan in codbixinta oo dhan la soo abaabulay isla markaana madaxweynaha cusub uu helay codad aad uga yar musharraxii mucaaradka, Martin Fayulu.

CongoLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionMartin Fayulu ayaa ku adkeystay inuu yahay “madaxweynaha saxda ah”

Balse beesha caalamka oo ay ku jiraan Midowga Afrika, Mareykanka iyo dalalka Midowga Yurub ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan iyagoo aaminsan inay khatar ka dhalan karto haddii ay farageliyaan.

Sidaas darteed, ninka ka degay xilka madaxtinnimo ee Joseph Kabila ayaa weli sii ahaanaya mid awood badan leh – isagoo ah madaxa isbahaysiga haysta inta badan kuraasta baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here