200 askari oo Burundees ah ayaa gaaray dalkooda kadib markii ay ka baxeen Somaliya

0
658

200 askari oo Burundees ah ayaa gaaray dalkooda kadib markii ay ka baxeen Somaliya

200 Askari oo ka mid ahaa Ciidanka Burundi ee joogay Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Bujambura ee dalkaasi Burundi.

Askartaan ayaa diyaarad ka raacay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana laga soo saaray Deegaanada Hirshabeelle.

Inta uusan dhammaan todobaadkan waxaa Xukuumadda Bujumbura laga doonayaa in ay ku dhameystirto saarista kunka askari ee ay isku raaceen Midowga Afrika oo ay soo jeediyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Labadaan boqol oo askari iyo sideeda boqol ee kale waxaa hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom loo soo gaabiyo loo gudbiyay Magacyadooda, si ay ugu saaraan Liiska askarta ugu howlgaleysa Soomaaliya.

Dowladda Burundi oo uu ku adkaa go’aankaan ay ku saareyso kun ka mid ah askarta kaga sugan Soomaaliya ayaa ku qasbanaatay in ay bixiso ciidamadaan.

Midowga Afrika ayaa qorsheynaya in Soomaaliya si tartiib-tartiib ah ugu saaro Ciidamadooda ku howlgalka Magaca Amisom ee gaaraya 21,500, ka hor inta aan soo gaba-gaboobin howlgalkooda oo ku siman 2020-ka.

Inta ka horeyso waqtigaas waxa ay ka qaybqaadan doonaan in Al-Shabaab laga saaro deegaanada ay heystaan, sidoo kalena Ciidamada Dowladda loo diyaariyo in ay la wareegaan Ammaanka Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here