Dhaxal sugaha Sucuudiga oo kulan la yeelanaya ra’iisul wasaaraha Hindiya

0
643

Dhaxal sugaha Sucuudiga oo kulan la yeelanaya ra’iisul wasaaraha Hindiya

Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa magaalada Delhi kulan kula yeelanaya ra’iisul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi.

Dhaxal sugaha ayaa lagu soo dhaweeyay dalkaasi kaddib markii uu booqasho kusoo maray dalka Pakistaan.

Booqashada Maxamed Bin Salmaan ee dalkaasi ayaa imaaneysaa xilli xiisad diblumaasiyadeed ay ka dhex taagan tahay dalalka Pakistaan iyo Hindiya.

Toddobaadkii lasoo dhaafay in ka badan 40 kamid ah ciidammada Hindiya ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday xilli ay joogeen gobolka Kashmiir.

Maxamed Bin Salmaan waxaa uu sheegay inay ka go’anatahay xallinta rabshadaha ka taagan gobolka Kashmiir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here