Halkee ayay maraysaa dacwaddii Soomaaliya iyo Kenya ee xadka baddu?

0
706

Halkee ayay maraysaa dacwaddii Soomaaliya iyo Kenya ee xadka baddu?

Waxa mar kale soo if baxay khilaafka qotoda leh ee u dhexeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ee ka taagan soohdinta badda ee ay ku muransanyihiin.

Xiisaddaa diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa labada dal waxay soo laba kaclaysay maalmo ka hor oo ay Kenya ku eedaysay Soomaaliya in ay London ku “xaraashtay” goobo la sahamiyey in saliidi ku jirto oo ku yaal xuduudda badda ee lagu muransanyahay.

Buqcadda lagu muransanyahay oo ah saddex xagal bedkeedu yahay qiyaastii 100,000km isku wareeg ah, ayaa la isku maan dhaafsanyahay nooca ay noqonayso xagasha xariiqda labada dal kala xadaynaysaa.

Todabadii Abriil 2009-kii, ayaa dawladda Kenya iyo dawladii ku meel gaadhka ahayd ee Soomaaliya ee wakhtigaasi waxay kala saxeexdeen heshiis is afgarad ah oo ahaa sida loo maaraynayo muranka xadka badda.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bishii Agost 2009-kii waxa uu ka dooday heshiiskaa is afgarad ee labada dal dhex maray, waxaanu cod aqlabiyad ah ku diiday ansixinta heshiiskaa.

Dhawr sannadood ka dib ayaa Maxkamadda Caddaalada Aduunka ee ICJ waxay Kenya si rasmi ah ugu wargelisay in ay soo gaadhay dacwad Soomaaliya ka gudbisay murankaas oo ay Kenya kaga ashkatoonayso.

 

Hase yeeshee Xeer Ilaalinta Kenya ayaa ku doodday in aanay maxkamaddaasi lahayn awood sharci oo ay garta noocaas ah ku naqdo, maadaama oo labada dal ku heshiiyeen in ay wadahadal ku xalliyaan khilaafkaa.

Hase yeeshee Xeerilaaliyihii Soomaaliya ee waagaas oo BBC-da la hadlay ayaa berigaa ku adkaystay in Soomaaliya ay qabto in ay maxkamaddu awood u leedahay in ay ka garnaqdo khilaafkaas, tahayna goobta keli ah ee ay ku kala bixi karaan Kenya.

Xiisadda diblomaasiyeed ee ka dhex aloosan labada dal ayaa haatan cirka isku shareertayLahaanshaha sawirkaTHE STAR KENYA
Image captionXiisadda diblomaasiyeed ee ka dhex aloosan labada dal ayaa haatan cirka isku shareertay

Hase ahaatee markii labada dhan ba gartooda ka hor akhristeen maxkamadda ayaa waxay markii ay dhegaysatay Maxkamaddu go’aamisay in ay dacwaddaasi tahay mid sharciga caalamiga ahi awood u siinayo in ay ka garnaqdo. Go’aankaana wax si aqlabiyad ah iskugu raacay garsoorayaashii maxkamadda.

Maxkamaddu waxay labada dhinac ee Kenya iyo Soomaaliya mid walba u qabatay taariikh ay dooddooda lahaansha badda lagu muransanyahay ku soo gubdiyaan. Waxaanay maxkamaddu 2 Feeberweri 2018-kii fartay labada dhinac in ay dooddooda kama dambaysta ah ku soo gudbiyaan 18 Juun 2018 oo ay Soomaaliya gudbinaysay dooddeeda iyo 18 Diisember 2018 oo ay Kenya iyadna gudbiso teeda.

Hase yeeshee maxkamaddu ma ay cayimin goorta ay dacwadaa dhegaysigeeda iyo xukun kaba soo saari doonto.

Fasiraad ku aadan waxa salka ay ku heyso xiisadda diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya

Mowduucyada la xiriira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here