Trump oo shaaca ka qaaday in kulan labaad uu la yeelanayo Kim Jong-un

0
622

Trump oo shaaca ka qaaday in kulan labaad uu la yeelanayo Kim Jong-un

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in bishan uu kulan labaad dhexmari doono isaga iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Madaxweyne Trump ayaa hadalkan sheegay xilli uu jeedinayay khudbadda mideynta.

Dhanka kale, ergeyga gaarka ah Mareykanka u qaabilsan Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta saraakiisha dalkaasi kulamo kula yeelanaya caasimadda Pyonyang ka hor kulanka la qorsheeyay ee dhex mari doono Donald Trump iyo Kim Jong-un.

Stephen Biegun waxaa uu sheegay inuu meel dhigayo qorsheyaal ku aadan arrimaha Nukliyerka Kuuriyada Waqooyi

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aqalka koongareeska u jeedinayay khudbadda mideynta oo uu ku codsanayay in laiska kaashado danaha dalkaasi kaddib markiii dhawaan dagaal qaraar uu dhexmaray isaga iyo xubnaha Dimuqraadiga oo ku aadan qorshaha uu ku doonayo inuu gidaar kaga dhiso xadka Mexico.

Trump ayaa ugu baaqay xubnaha Koongareeska inay meesha ka saaraan siyaasadda ku saleysan aargoosiga taasina ay xiri karto fursadaha Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here