In ka badan 5 ruux oo ku geeriyootay qarax la dhigay Irida Muqdisho Mall Degmada Xamar weyne+SAWIRO

0
649

In ka badan 5 ruux oo ku geeriyootay qarax la dhigay Irida Muqdisho Mall Degmada Xamar weyne+SAWIRO

Warar horudhac ah oo laga helaayo Qaraxa ka dhacay Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya inuu jiro Khasaare soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa goobta qaraxa uu ka dhacay.

Qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la dhigay ilinka hore ee laga galo Xarunta ganacsiga Muqdisho Mall oo ku dhagan Xarunta Dowladda hoose ee Gobolka Banaadir.

Suxufiyiinta ayaa soo sheegaya 5 ruux oo dhimatay in laga qaaday goobta, waxaase suuragal ah tirada inay intaasi ka badan tahay, maadaama dad badan oo shacab ah goobta ay buuxeen xilliga qaraxa uu dhacaayay.

Gaadiidka gurmadka deg dega ee Ambalaaska ayaa goobtaasi ka qaaday tiro dhaawacyo kala duwan, kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaadka Magaalada Muqdisho.

Qaraxan gaariga ayaa la sheegayaa in meesha la dhigay, kadibna sidaasi lagu qarxiyay, inkastoo illaa hadda Hay’addaha ammaanka aysan ka hadlin qaraxan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here