Sirdoonka Imaaraadka oo u dhacay sirta shaqsiyaad uu ka mid yahay boqorka Qatar

0
616

Sirdoonka Imaaraadka oo u dhacay sirta shaqsiyaad uu ka mid yahay boqorka Qatar

Boqorka Dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa ka mid noqday boqolaal ruux oo sirtooda mudo ay la socdeen sirdoonka Imaaraadka carabta,sida ay shaacisay wakaalada wararka ee Reuters.

Xubno ka tirsan sirdoonka Dubai oo taageero ka helaya dowladii hore ee Mareykanka ayaa u sahlay in Imaaraadka uu jabsado taleefanada gacanta ah ee loo yaqaan iPhone-ka oo ay wataan shaqsiyaad gaar ah si ay ula socdaan sirtooda waxaana ka mid ahaa amiirka Qatar.

Arintaan ayaa bilaabatay sanadkii 2016-kii bilowgeeda waxaana sidoo kale imaaraadka uu u dhacay sirta saraakiil sare oo ka tirsan dowlada Turkiga.

Mashruuca ama barnaamijkaan ayaa waxaa loogu yeeray Karma oo ah howlgalada ay sirdoonka Imaaraadka ay u adeegsadeen in ay ku jabsadaan sirta hogaamiye yaal ajnabi ah oo siyaasad ahaan isku maandhaafeen.

Boqortooyada Carbeed oo xiriir wanaagsan aan la laheyn dowlada Qatar ayaa heshiis la gaartay saraakiil ka tirsanaa sirdoonka dowladii hore ee Obama si arintaan ay ugu fududeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here