Haweenka Kenya oo sheegay in aysan aqbali doonin in daaqada laga tuuro kursiga dumarka

0
523

Haweenka Kenya oo sheegay in aysan aqbali doonin in daaqada laga tuuro kursiga dumarka

Haweenka u dhashay kenya ee ka tirsan barlamaanka ayaa ka soo horjeestay in daaqada laga tuuro kursiga matala wakiilka dumarka oo ay leeyihiin 47-da ismaamul goboleed ee Kenya.

Kadib shir Jaraa,id oo ay maanta ku qabteen magaalada Nairobi ayaa waxaa warbaahinta la hadashay madaxa hormarinta dumarka kenya, Ms Rachel Shabesh waxaana ay sheegtay in ka dumar ahaan aysan taageeri doonin in daaqada laga saaro kursiga haweenka.

Waxay tilmaantay in dumarka aysan taageeri doonin aftida qaran ee la qabanayo bisha sideedaad maadama uu ku xadgubayo xuquuqda dumarka Kenya.

Hogaamiyaha xisbiga Third way Allaince Ekuro Aukot ayaa ku baaqay dhowaan in la soo yareeyo kuraasta badan oo macnaha aan u laheyn hormarka kenya oo baarlamaanka iyo golaha degaanka isaga oo si gaar ah u codsaday in daaqada laga turo kursiga Hablaha ee afka qalaad loogu yeero Women Reps.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here