Amisom oo Puntland u balan qaaday taageero wada shaqeyn ah

0
580

Amisom oo Puntland u balan qaaday taageero wada shaqeyn ah

Howlgalka Midowga Afrika ee Amisom ayaa ballanqaad u sameeyay Maamul Goboleedka Puntland ee ay dhawaan ka dhacday doorashada Madaxweynenimada.

Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya sidoo kalena ah madaxa hawlgalka Amisom ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa bogaadiyay habka nabad gelyada leh ee ay u dhacday doorashada Puntland.

Francisco Madeira, ayaa sheegay in Amisom ay ka taageerayso maamulka cusub ee Siciid Cabdullahi Dani dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidoo kale Daacish.

Waxa uu ballan qaaday in ay Amisom la shaqeynayso Booliska Maamulka Puntland oo inta badan fuliya hawlgallada dhinaca ammaanka ah ee Magaalooyinka.

Mr Madeira, ayaa intaas ku daray in Maamulka Puntland uu tusaale fiican u yahay Soomaaliya oo dhan, doorashada ka dhacdayna ay ka muuqatay qaangaarnimo dhinaca dimuqraadiyadda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here