Xaalada Amni ee Magaalada Nirobi Oo Faraha Kasii Baxaysa+Qarax Ka Dhacay Oo Khasaaro Ka Dhashay

0
595

Xaalada Amni ee Magaalada Nirobi Oo Faraha Kasii Baxaysa+Qarax Ka Dhacay Oo Khasaaro Ka Dhashay

Gaari-gacan badeecado waday, lana sheegay in lagu soo dhex qariyey miino ayaa waxa uu xalay ku qarxay bannaanka Baar Cuntada Fudud lagu iibiyo oo ku yaalla inta u dhexeysa waddooyinka Tom Maboya iyo Latema ee magaalladda Nairobi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen Nin riixayey gacan-gacanka meel ku dhow Baarka lagu magacaabo Smothers Restaurant, iyadoo ilbiriqsi gudaheeda uu dhacay Qarax weyn o ogeystay dhaawacyo iyo burbur soo gaaray dhismooyin.

2 ruux ayaa ku dhaawcmay qaraxaasi,kuwaasi oo la sheegay inay kala ahaayeen Ninkii riixayey gaari-gacanka iyo Nin iibiya Wargeysyadda, kuwaasi oo la sheegay inay dhaawacyo fudud ka soo kala gaareen gacanta midig iyo Lugta midig.

Taliyaha Boliska Gobalka Banaadir, Filib Nadoolo ayaa sheegay in Nin u muuqday Soomaali uu kireystay gaari-gacanka, si Kartoon ay badeeco ku jirtay loogu qaado, iyadoo uu gaari-gacanku qarxay wax yar kadib markii uu marayey goob laga cunteeyo.

Ninka gaari-gacanka riixayey oo magaciisa lagu sheegay Joosef Okinyi ayaa laga soo xigtay inuu qaraxu dhacay, xilli uu Ninkii kireystaha ahaa ka codsaday inuu ku sugo Baarka hortiisa, si uu u soo qaato Aqoonsigiisa ID Card-ka oo uu sheegay inuu soo illaabay.

Dhinaca kale, Wargeyska The Star ee ka so obaxa Nairobi ayaa qoray inay Dagaalamayaasha Alshabaab sheegteen qarixii xalay ka dhacay Nairobi.

Weerarkan ayaa waxa uu dhacay, xilli ay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi soo saartay Digniin ay Dalxiisayaasha Reer Galbeedka iyo kuwa Kenyaanka ugu sheegtay inay si aad ah uga feejignaadaan goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan.

Si kastaba ha ahaatee, Qaraxii xalay ka dhacay magaalladda Nairobi waxa uu ku soo beegmay dhowr maalmood kadib, nweerarkii ay Alshabaab bishan Janaayo 15-dii ka geysteen Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi, oo la sheegay inay 21 qof ku geeriyootay.

    

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here