In ka badan 10 askari maydadkooda oo la gaarsiiyay Isbitaalka Kismaayo kadib dagaalkii Baar Sanguuni

0
556

In ka badan 10 askari maydadkooda oo la gaarsiiyay Isbitaalka Kismaayo kadib dagaalkii Baar Sanguuni

Ciidamada Jubbaland & Al Shabaab ayaa khasaare kala duwan wuxuu ka soo gaaray dagaalkii cuslaa ee saaka ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose.

Al Shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaankaan, xilli aroor hore ah oo ciidamada aysan aad u diyaarsaneyn, waxaana xigay dagal toos ah oo xerada qayb ka mid ah Shabaab ay ku qabsadeen.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ayaa wararka horudhaca ah waxa ay sheegayaan inay gaarayaan illaa 15 askari oo ciidamada Jubbaland looga dilay dagaalka, halka suuragal ay tahay in khasaaraha intaasi uu ka bato.

Dhanka Shabaab ayaa wararka waxa ay sheegayaan in dagaalkaasi looga dilay ku dhawaad 10 askari. 

Isbitaalka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la geeyay maydadka in ka badan 10 askari oo dagaalka ku dhintay & dhaawacyada tiro intaasi ka badan, waxaana Isbitaalka ka jira mashquul badan, iyadoo ay ku soo xoomeen ehelada askartii ku sugnayd xerada la weeraray si ay u xaqiijiyeen carruurtooda in dagaalka lagu dilay & in kale.

Illaa hadda si sax ah looma xaqiijin karo Khasaaraha dhimashada & midka dhaawaca ah ee dhinacyadaasi halkaasi ku soo kala gaaray, inkastoo tirada ay suuragal tahay inay intaasi ka badan karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here