Sababta ka dambaysa in Dawlada Itoobiya Xabsiga Dhigto Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon

0
1084

Sababta ka dambaysa in Dawlada Itoobiya Xabsiga Dhigto Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon

Gaashaamo (Dalmar-News):- Ciidamada Liyuu Booliska ee dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa goor dhawayd xidhay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Sida ay sheegayaan warar laga helayo magaalada Jigjiga, ciidamada liyuu booliska ayaa deegaanka Gaashaamo ka soo qabtay wariye Coldoon iyo hawl wadeeno kale oo la shaqaynayey.

Xadhiga wariye Coldoon ayey wararka hordhaca ahi sheegayaan inuu sababay barnaamij uu waday oo ku saabsan tacadiyadii ay ciidamada liyuu booliska gaysan jireen cahdigii Cabdi Iley.

Ilaa hada ma jiro wax war ah oo ay dawlada  soomaalidu Itoobiya ka soo saareen xadhiga wariye Coldoon iyo hawl wadeenadii la shaqaynayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here