Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Somaliya oo gaaray Magaalada Baydhabo

0
665

Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Somaliya oo gaaray Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Somaliya & Wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa goor dhaw gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed oo maanta ay ka dhaceyso Caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Lafta Gareen.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa si wayn ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laagi Farmaajo, Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Lafta Gareen.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si wayn loo adkeeyay, halkaasi oo ay ku sugan yihiin madax kala duwan oo ka tirsan Maamul Goboledyada dalka ka jira, kuwaasi oo ka qayb galaya Xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Doorasho ka dhacday 19-kii December sanadkii 2018, ayaa lagu doortay madaxweynaha cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Lafta Gareen oo ka guuleystay Musharaxiin la tartameysay.

Goobta lagu qabanaayo Xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa si wayn loo qurxiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here