Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Iminka Magacaabis Sameeyey .

0
521

Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Iminka Magacaabis Sameeyey .

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay Guddiga Badbaadinta iyo soo celinta Hantida Qaranka, kaddib wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa.

Guddiga Badbaadinta iyo soo celinta Hantida Qaran ayaa ka kooban 11 xubnood  oo isugu jira 8 Wasiir, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Hanti Dhowraha Guud iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Guddigan ayaa la faray in la joojiyay bixinta iyo iibinta dhulalka dowladda, in aan la oran karin in laga maarmay dhul dowladeed, isla markaana hey’addii ka maaranta dhul dowladeed ay keento Golaha Wasiirada.

Sidoo kale waxaa la faray in aan la kireyn karin dhul dowladeed, iyadoo aan loo marin habraaca sharciga iyo in aan Gaadiidka dowladda la wareejin karin.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here