Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Oo Kulan Deg Deg Ah La Qaatay Laamaha Amniga

0
538

Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Oo Kulan Deg Deg Ah La Qaatay Laamaha Amniga

Madaxweynaha Cusub ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa saacado kadib doorashadiisii waxaa uu Maanta kulan deg deg ah la qaatay laamaha amniga Dowlad Goboleedka Puntland.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay taliyayaasha iyo saraakiisha ciidamada Puntland,sida ay faafisay Madaxtooyada Dowlad goboleedka Puntland.

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dar-dar gelinta xaaladda ammaanka Puntland,taas oo qeyb ka aheyd balaan qaadkii Madaxweyne Deni xilligii uu ku jiray ol olaha doorashada.

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa la filayaa in dhawaan ay Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ka dhacdo munaasabad lagu Caleemo saarayo.

Shalay ayaa waxaa uu Garoowe kula kulmay wafdi ka socday Dowlad Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibada Soomalaiya Axmed Ciise Cawad,kuwaas oo maalma kahor loo diiday inay Garoowe tagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here