Hogaamiya kuuriyada waqooyi oo booqasho ay uga bilaabatay Shiinaha

0
579

Hogaamiya kuuriyada waqooyi oo booqasho ay uga bilaabatay Shiinaha

Hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong-un ayaa u anbabaxay wadanka shiinaha oo ay uga bilaabaneyso booqasho qaadaneysa mudo afar maalin ah kadib casuumaad uu ka helay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Casuumadan ayaa waxay ku soo aadeysaa iyadoo la filayo in kulankii labaad oo fool ka fool ah in ay yeeshaan madaxweyne Trump iyo Kim.

Wakaalada wararka ee kuuriyada waqooyi ayaa talaadada maanta sheegtay in Kim oo ay wehliso xaaskiisa Ri Sol Ju iyo saraakiil kale ay tareen gaar ah isniintii shalay u raaceen Shiinaha.

Dhanka kale aroornimadii hore ee saaka oo talaada ah ayaa waxaa la arkayay ciidanka booliska oo xirayay wadada Tareenada ee magaalada Beijing.

Saraakiil ku dhow labada dhinac ayaa sheegay in labada hogaamiye ay ka wadahadli doonaan iskaashi ganacsi oo labada dal ay yeeshaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here