DEG DEG : Afgambi Milatari Oo Ka Dhacay Dal Ka Mid Ah Dalalka Afrika Ugu Waawayn+MAGACIISA

0
553

DEG DEG : Afgambi Milatari Oo Ka Dhacay Dal Ka Mid Ah Dalalka Afrika Ugu Waawayn+MAGACIISA

Militari ku sugan dalka Gabon ayaa sheegay inay afgembiyeen xukuumadda, waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Libreville waxaa lagu arkaya gawaarida militariga iyo tiknikada dagaalka.

Waxaana caasimadda lagu soo roggay banddow.

Bayaan kasoo baxay saraakiil militari oo dhalinyaro oo laga baahiyay raadiyaha dowladda ayaalagu sheegay inay jiraan walaaca sii xoggeysnayaa oo ah awoodda madaxweyne Cali Bongo uu ku hoggaamin karo dalkaasi isla markaasna dhaleeceeyay saraakiisha ugu sarreysa militariga.

Cali Bongo ayaa in ka badan labo bilood ka maqnaa dalka Gabon, waxaana laga daweynaya xannuun aanan la shaacin, wuxuuna mar ku xannuunsaday dalka Sucuudi Carabiya xilli uu booqasho dalkaasi ku joogay.

Qoyska madaxweyne Bongo ayaa 50 sanno ee lasoo dhaafay maamulayay dalka shidaalka qaniga ku ah ee Gabon, waxaana lagu eedeeyay inay uruursanayeen hantida iyo kheyraadka dalkaasi.

Cali Bongo ayaa xilka kala wareegay aabihiis sannadkii 2009-dii, wuxuu ku guuleystay doorashadii 2016-kii oo harreeyay qalalaase iyo eedeymo wax isdaba marin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here