Shaacinta natiijada doorashadii Koongo oo dib loo dhigay

0
567

Shaacinta natiijada doorashadii Koongo oo dib loo dhigay

Iyada oo ay isa soo tarayaan baaqyada lagu doonayo in lagu shaaciyo natiijada doorashadii madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo ka dhacday, ayaa saraakiishu sheegeen in aan [maanta oo] Axad ah lagu dhawaaqayn.

Gudoomiyaha gudida doorashooyinka ayaa sheegay in sababtu tahay iyada oo kala badh in ka yar waraaqihii codadka lagu dhiibtay ay soo gaadheen xarunta.

Af-hayeenkiisa ayaa BBC-da u sheegay in shir la qaban doono Axadda oo lagu lafa guri doono dib u dhaca.

Kaniisadda Kaatoligga, oo kumanaan goob joogayaal ah u dirtay goobaha codbixinta, ayaa Khamiistii sheegtay in cidda guulaystay ay iska caddahay, waxaanay ku baaqday in natiijada la shaaciyo si looga baaqsado xasilooni darro siyaasadeed.

 

Hadalkaa waxa si cadho leh uga jawaabay isbahaysiga talada haya oo yidhi kaniisaddu “fal sharci darro ah bay ku tallaabsatay” waxaanu ku eedeeyey in ay “shacabka u diyaarinayso kacdoon”.

Kaniisaddu waxay mucaarad cod dheer ku ahayd mudo kordhinta xukunka Madaxweyne Joseph Kabila.

Waxa uu haatan xilka ka degayaa 17 sannadood oo uu xilka hayey ka dib waxaanu ballan qaaday inuu suurto galin doono nin markii ugu horraysay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo xilka hab sharciga waafaqsan loola kala wareegi doono tan iyo markii ay gobanimada ka qaadatay Belgium 19960-kii.

Waxa lagu waday in natiijada rasmiga ah la shaaciyo Axaddan, in kasta oo gudida doorashooyinku dhawr maalmood ka hor ku dardaar werisey in ay dib u dhic karto.

Gudoomiyaha gudida doorashada, Corneille Nangaa, ayaa Sabtidii sheegay in la tiriyey in ka yar kala badh codadkii la dhiibtay. Waxaanu yidhi “suurto gal ma aha in natiijada la shaaciyo Axadda. Hawshu way socotaa laakiin weli codadkii oo dhami nama ay soo gaadhin”.

Joseph KabilaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionJoseph Kabila

Kabila waxa uu xilka la wareegay markii aabihii Laurent Kabila la dilay 2001-dii waxaanu doorasho ku guulaystay sanadkii 2006, mar kale ayuu hadana doorasho muran ka dhashay ku guulaystay 2011-kii.

Dastuurka dalka ayaan u ogolayn in uu mar kale isku sharraxo xilka, waxaanay ahayd inuu talada wareejiyo laba sano ka hor, hase yeeshee doorashada ayaa dib u dhacday ka dib markii gudida doorashooyinku sheegay in wakhti ay cod bixiyeyaasha ku diiwaan geliyaan u baahanyihiin.

Go’aankaas ayaa waxa uu dhaliyey qalalaase iyo isku dhacyo, oo waxay mucaaradku ku eedeeyeen Kabila in uu doonayo in uu xukunka ku sii dheganaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here