Madaxweynaha Jubaland oo Gudoomiye u magacaabay gobolka Jubada Dhexe oo dhamaantiis Shabaab maamusho.

0
556

Madaxweynaha Jubaland oo Gudoomiye u magacaabay gobolka Jubada Dhexe oo dhamaantiis Shabaab maamusho.

Madaxweynaha mamaulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa goordhow Gudoomiye cusub u magacaabay gobolka Jubada Dhexe.

Wareegtada uu soo saaray Axmed Madoobe, ayaa Gudoomiyaha gobolka Jubada Dhexe waxaa loogu magacaabay Haajir Bile Sugaal, Gobolkan waxaa dhamaantiis gacanta ku heysa Al-Shabaab, iyadoo ay ku yaalaan xarumaha ugu waaweyn ee Shabaabku ku leeyihiin dalka.

Haajir Bile Sugaal, ayaa loo badinayaa inuu ku shaqeyn doono magaalada Kismaayo, maadaama aan la tagi Karin Jubada Dhexe, waloow Axmed Madoobe todobaadkan ku dhawaaqay inuu duulaan ku qaadi doono Jubada Dhexe, si gacanta Shabaab looga saaro.

Si kastaba, Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliya qaybta Jubbooyinka ayaa shalay sheegay in duqeyn lagu dilay 30-dagaalame iyo Afar Saraakiil Ajaanib ah, kadib duqeyn ay iska kaashadeen ciidanka Danab & Ciidamo Mareykan ah.

Duqeynta waxey ka dhacday Degmada Jilib oo kamid ah Jubada Dhexe, waxaana dadka la dilay kujira Aweys Abu Xamza oo heesta dhalashada Dalka Suuriya iyo Hassan Al-Qayaadi (Abu Yaxya) oo isna heysta Dhalashada Dalka Liibiya.

Halkan Hoose ka aqriso Qoraalka Madaxweynaha Jubaland:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here