Dabley hubeysan oo weerar gaadmo ah ku dishey Guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan

0
718

Dabley hubeysan oo weerar gaadmo ah ku dishey Guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar rag hubeysan ay ka geysteen gobolka Hiiraan, kaasoo lagu dilay Masuul katirsan maamulka degmada Matabaan.

Dabley hubeysan, ayaa weerar gaadmo ah waxa ay ku dileen Faarax Nuur Guure oo ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Matabaan iyo Saddex ilaalo u eheyd.

Masuulka la dilay iyo ilaaladiisa, waxa ay ka soo ambabaxeen Degmada Maxaas, iyagoo ku sii jeeday magaalada Baladweyn, waxaana mar kaliya ay ka war heleen rasaas dhinacyo kala duwan uga imaneysay, taasoo dhalisay geerida Faarax Dheere iyo ilaaladiisa.

Xubno katirsan maamulka gobolka Hiiraan, ayaa ku soo waramaya in dableyda weerarka geysatay ay ka soo jeedo maleeshiyo Beeleedka gobolka Glagaduud, kuwaasoo hore u sii qaatay gaariga iyo hubkii ay wateen ilaalada Gudoomiye Kuxigeenkii Matabaan Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere).

Inkastoo maalmahan ay daganeyd xaalada deegaanadii ay ku dagaalameen labada Maleeshiyo beeleed ee ka soo kala jeeda Galgaduud iyo Hiiaan, Ciidamo katirsan Xoogga dalkana la kala dhex dhigay, hadase lama oga sida uu xaalka noqonayo maadaama Masuul iyo ilaaladiisii la dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here