Laba askari oo xalay lagu dilay Bartamaha Magaalada Boosaaso

0
536

Laba askari oo xalay lagu dilay Bartamaha Magaalada Boosaaso

Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, xalay waxaa ka dhacay dil qorsheysan oo loo gaystay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Dilka askartaan ayaa wuxuu ka dhacay bartamaha Magaalada Boosaaso, waxaana dilkaasi uu qayb ka yahay dilal joogto ka noqday Magaalada Boosaaso.

Dabley hubaysan ayaa fulisay dilka askartaasi loo gaystay, kuwaasi oo durba ka baxsaday goobtii ay ku dileen labada askari.

Ciidamada ammaanka Magaalada Boosaaso, ayaa hawlgalo ka wada Magaaladaasi, kuwaasi oo ay ku baadigoobayaan xubnihii dilka gaystay.

Al Shabaab & Daacish ayaa dilal qorsheysan Magaalada Boosaaso kula eegta Askarta ka tirsan Maamulka Puntland & Shaqaalaha rayidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here