Trump oo sheegay in Erdogan uu ciribtiro doono daacish

0
591

Trump oo sheegay in Erdogan uu ciribtiro doono daacish

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu ku wargaliyay in uu ciribtiri doono kooxda daacish ee ku sugan gudaha suuriya.

Qoraal uu soo dhigay axadii shalay barta uu Trump ku leeyahay Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Erdogan uu yahay nin awooda arintaan si turkiga uu ugu furo albaab kale oo wanaagsan.

Dhanka kale baraha bulshada ayaa goor sii horeysay ee maanta waxaa qabsaday hadalheynta la xiriirta Arintaan iyo in labada hogaamiye ay ka wada hadleen qaabka ciidanka Mareykanka uga baxayo waqooyiga Suuriya.

Trump ayaa dhanka kale sheegay in Erdogan ay ka wadahadleen qaabka ugu haboon ee xididada loogu siibi karo haraadiga Isis iyo xiriirka labada dal iyo kor u qaadida xiriirka Ganacsi ee Turkiga iyo Mareykanka.

Ugu danbeyn Trump ayaa sheegay in sanado badan kadib ciidanka Mareykanka ay dib ugu soo laaban doonaan dalkooda.

Wadahadalka labada dhinac ee dhanka taleanka ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here