Raisul wasaarihii hore ee Pakistan oo todoba sano oo xabsi ah lagu Xukumay

0
589

Raisul wasaarihii hore ee Pakistan oo todoba sano oo xabsi ah lagu Xukumay

Maxkamada musuq maasuqa ayaa todoba sano oo xabsi ah ku xukuntay Ra’isul wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif oo wajahaya eedo la xiriira xadida hantida dadweynaha.

Mr Sharif ayaa markii sedaxaad ka soo muuqday maxkamada isniinta maan ah ayaa ugu danbeyn garsoorka waxay ku rideen xukunkaan kadib markii uu cadeyn waaye halka ay ka soo gashay lacagta uu ku iibsaday shirkada steel mill ee ku taal gudaha sacuudiga, sida ay tabisay warbaahinta Geo.

Hogaamiyihii hore ee Pakistan ayaa waxaa sidoo kale loo maxkamadeeyay danbiyo kala duwan oo la xiriira muquq maasuqa.

Sharif ayaa 10-kii bishii July ee sanadkaan ayaa maxkamada Pakistan ku xukuntay 10 sano oo xabsi ah kadib markii lagu eedeeyay in si aan sharci aheyn hantida dowlada uu daaro uga iibsaday magaalada Landon.

Xukunkaas ayaa yimid kadib markii maxkamada sare ay ka xayuubisay xilka Ra’isul wasaaraha Pakistan,balse waxaa si damaanad ah loo sii daayay bishii September.

Newas Sharif ayaa beeniyay dhamaan eedaha musuq maasuq ee loo heesto waxaana uu sheegay in bartilmaameed gooni ah ay ku hayaan madaxda sare ee dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here