Nin 85 jir ah oo go,aansaday in ay kala tagaan xaas ay wada joogeen mudo ku dhow 50 sano

0
496

Nin 85 jir ah oo go,aansaday in ay kala tagaan xaas ay wada joogeen mudo ku dhow 50 sano

Maxkamada magaalada Eldoret ayaa ku dhawaaqday in nin sideetan iyo shan jir ah oo aqoon balaaran u leh dhanka siyaasada uu furay xaaskiisa sadexaad.


Jackson Kibor ayaa talaadada maanta ah ay maxkamada Ansixisay in ay kala tageen xaaskiisa lagu magacaabo Naomi Jeptoo oo muran u dhaxeeyay mudooyinkaan.


Furitaankaan ayaa noqonayaa kii labaad oo mudo sanad ah kadin markii bishii October ee sanadkii la soo dhaafay ay kala tageen xaaskii labaad.

Garsooraha maxkamada Naomy Wairimu oo soo bandhigtay go,aankan ayaa sheegtay marka ay fiirisay in aan loo dulqaadan karin in ay wada joogaan lamaanahan oo wada noolaa 43 sano.

Jackson Kibor oo sideetan iyo shan jir ah ayaa sheegay in xaaskiisa iyo asaga uu guurkooda isku badalay mid ku saleysan muran iyo colaad ayna ku dheehan tahay naxariis daro iyo ixtiraam la,aan.

Waxaa uu sheegay in ay ka tagtay guriga taasi oo ay ka dhalatay dayacaad ku timid oo keentay dhibaatooyin dhanka maskaxda ah oo soo wajaha.

Arintaan oo si weyn looga hadal hayo gudaha kenya ayaa yaab waxay ku noqotay dadweynaha maadama ninkaan oo da’diisu tahay 85 sano uu furay xaaskii sedaxaad sanad kadib.


Naomi Jeptoo ayaa u heysa Mr Jackson Kibor lix caruur ah oo ay isku dhaleen 43-dii sano ee la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here