Wadooyinka waaweyn ee Muqdisho oo saaka xiran

0
647

Wadooyinka waaweyn ee Muqdisho oo saaka xiran

Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka waxa ay yihiin kuwa xiran, islamarkaana ay xireen Ciidamada dowladda.

Shacab badan oo lugeynaya ayaa lagu arkayaa wadooyinka Magaalada, kuwaasi oo qaarkood u socda goobahooda shaqada, halka qaarna ay u socdaan waxbarasho.

Ciidamada Booliska ayaa la dhigay wadooyinka xiran oo gaadiidka dadweynaha ay ka celinayaan.

Isgoysyada waaweyn ee Magaalada gudaheeda ayaa la soo dhigay gaadiidka Ciidanka ay wataan oo lagu jaray, illaa haddana lama oga sababta rasmiga ah ee Wadooyinka loo xiray.

Qaar ka mid ah ardayda wax ka barta Jaamacadaha iyo Iskuulada Muqdisho, ayaa sheegaya in dhibaato ay ku qabaan xirnaanshaha aanan la sii sheegin ee wadooyinka Muqdisho lagu xiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here