Madaxweynaha Eritrea oo ka dhoofay Muqdisho iyo waddooyinka oo dib loo furay

0
497

Madaxweynaha Eritrea oo ka dhoofay Muqdisho iyo waddooyinka oo dib loo furay

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa soo gabagabeeyay booqasho labo maalmood ah oo uu ku joogay magaalada Muqdisho, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweyne Farmaajo.

Isaias Afwerki iyo wafdigiisa ayaa galabta ka dhoofay magaalada Muqdisho, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu ku sii sagootiyay garoonkab diyaaradaha.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga, waxaana kulamada oo ahaa mid albaabada ay u xirnaayeen laga soo saaray war murtiyeed.

Waddooyinka Muqdisho ayaa dib loo furay, kaddib markii tan iyo shalay ay u xirnaayeen wafdiga Madaxweynaha Eritrea, isu socodka dadka iyo gaadiidka ayaa dib u bilowday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here