Xildhibaano sheegay in laga been abuurtay magacyadooda oo lagu qoray liiska Xildhibaano gudbiyay Mooshinka

0
699

Xildhibaano sheegay in laga been abuurtay magacyadooda oo lagu qoray liiska Xildhibaano gudbiyay Mooshinka

Saddex Xildhibaan ayaa sheegtay in laga been abuurtay magacyadooda oo lagu qoray liiska Xildhibaano gudbiyay Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar ayaa sheegay in maxkamad uu la tiigsanaayo Xildhibaanada magaciisa ku qoray Mooshinkaasi, laakiin uu sheegay inuu beri ka yahay Mooshinkaasi.

“Mooshinkii Madaxweynaha laga waday in liiskaasi aan ku jiray oo magaceyga la saxiixay, ayna sameeyeen dadkii Mooshinkaasi waday Ilaahey kama cabsan, waana haystaa dadkaasi waa qalad qof Xildhibaan ah oo Golaha Shacabka ku jira in laga been abuuro.” Ayuu yiri Xildhibaan Idiris

Sidoo kale Xildhibaan Sheekh Shaacir oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa dhankiisa beeniyay wararka sheegaya inuu saxiixay Mooshin, islamarkaana arrintaasi looga been abuurtay.

“Halkaan waxaan ka cadeynayaa anigoo ah Sheekh Shaacir Mooshinka la sheegay Madaxweynaha laga gudbiyay oo magaceyga lagu daray waa layga been abuurtay kuma jiri berri ayaan ka ahay.” Ayuu yiri Xildhibaanka.

Ugu dambeyn Xildhibaan Hudda Axmed Cali ayaa sheegtay inay ka xun tahay in magaceeda laga been sheego oo lagu daro liiska Xildhibaano gudbiyay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here