Ra’isul Wasaare Kheyre oo kusii jeeda dalka Qadar xili xiisad Siyaasadeed ee taagan tahay

0
504

Ra’isul Wasaare Kheyre oo kusii jeeda dalka Qadar xili xiisad Siyaasadeed ee taagan tahay

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kusii jeeda magaalada Doha ee Caasimada dalka Qadar, Ra’isul Wasaaraha ayaana martiqaad ka helay Madaxda sare ee dowlada Qadar.

Sida aan xogta ku heleyno Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu wadaa in beri ama beri dambo u ambo baxo dalka Qadar , waxaana qorshuhu yahay in Ra’isul Wasaaraha la kulmo madax sare oo katirsan dowlada Qadar .

Wali lama shaacin ujeedka safarka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ku tagayo dalka Qadar, waxaana Xukuumada Doha kamid tahay dowladaha sida weyn u garab taagan dowlada uu hogaamiyo Farmaajo.

Safarka Ra’isul Wasaarhaa Soomaaliya ku tagayo dalka Qadar ayaa kusoo aaday xili xiisad siyaasadeed oo adag ay taagan tahay, waxaana jirta cabsi laga qabo in Ra’isul Wasaaraha baajiyo safarkiisa ama dib u dhac ku yimaado.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu waramayaa in uusan nasan uuna ku jiray kulamo siyaasadeed, waxa uuna kulamo gaar ah la qaatay Madaxweynaha halka sidoo kale uu la kulmay Gudoomiye kuxigeenada golaha shacabka.

Waxa uu sidoo kale Ra’isul Wasaaraha kulamo albaabada u xiran yihiin la qaatay Wasiirada ku jira golaha Shacabka, waxa uuna dhamaan kala hadlayay xiisada siyaasadeed ee soo korortay iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa ka mid ahaa dadkii u ololeeyay in Gudoomiyaha golaha shacabka laga dhigo Maxamed Mursal Sheekh oo hada u muuqda mid dhabar jabin ku sameeyay Siyaasada Farmaajo iyo Kheyre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here