Somali Kenyan loo xiray afduubkii loo gaystay haweenay u dhalatay dalka Talyaaniga

0
558

Somali Kenyan loo xiray afduubkii loo gaystay haweenay u dhalatay dalka Talyaaniga

Wargeyska Nation ee ka soo baxa Magaaladda Nairobi ayaa qoray inay Baarayaasha Booliska xog-wareysi la leeyihiin 3 qof oo lala xiriirinayo Hawlgalkii bishii hore lagu afduubtay Muwaadinad u dhalatay Talyaaniga oo lagu magacaabo Silvia Romano.

Booliska waxay shalay Maxkamadda hor geeyeen eedeysanayaasha kala ah Dumal Xaaji Cusmaan, Xasan Barrow Khamiis iyo Ruqiyo Nuuno.

Garsooraha Maxkamadda magaalladda Malindi, Julie Oseko waxay oggolaatay  Codsi ay Baarayaasha ku doonayeen in loo oggolaado in ay Eedeysanayaasha sii hayaan ilaa bishan December 14-da, si ay u soo dhamaystiraan Baaritaankooda.

Eedeysanayaasha waxaa lagu soo oogi doonaa inay gacan siiyeen kooxihii qafaashay Haweeneyda u dhalatay Talyaaniga, taasi oo bishii hore ee November 20-dii laga qafaashay Gobalka Xeebta ee dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here