Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Gaas iyo Ku xigeenkiisa

0
496

Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Gaas iyo Ku xigeenkiisa

Khilaaf cusub ayaa soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas & Ku xigeenkiisa C/xakiin Xaaji Cumar Camey, kaasi oo ka dhashay magacaabista Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabay Guddiga Xalinta Khilaafaadka, halka sidoo kale Madaxweyne Ku xigeenkana uu magacaabay Guddi kale.

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland, ayaa sheegay Guddiga la magacaabay in aanan lagala tashan isaga oo ah Madaxweyne Ku xigeenka iyo sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Wuxuu masuuliyadda Khilaafka taagan dusha ka saaray Madaxweynaha Puntland oo uu ku eedeeyay inuu baalmaray sharciga.

“In laba Guddi oo is daba socdana ay yimaadaan meesha Khilaaf unbaa jira, waana ka xumahay laakiin wax la arki karo lama qariyo dee hawshaasi waa ay jirtaa, habraacii loo mari jiray Guddigaan, ayaa laga leexday, kadib markii anigoo Madaxweyne Ku xigeen ah & Gudoomiyaha Baarlamaanka aanan lagala tashan, Guddiga waxaan ka war helay kaliya Saxaafadda.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku xigeenka Puntland.

Camey ayaa sheegay markii ugu horeysay inay tahay Khilaaf soo kala dhex gala Madaxweynaha & Ku xigeenkiisa, wuxuuna masuuliyadda Khilaafkaasi dusha uu ka saaray Madaxweynaha Puntland oo baalmaray sharciga wadatashiga ee magacaabista Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here