Itoobiya: Dibad baxyo Rabshado Wata Oo Ka Socda 10 Magaalo Oo Ka Tirsan Gobolka Oromada

0
544

Itoobiya: Dibad baxyo Rabshado Wata Oo Ka Socda 10 Magaalo Oo Ka Tirsan Gobolka Oromada

Dibad-baxyo ayaa ka socda ugu yaraan 10 magaalo oo ka tirsan gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, waxaana looga codsanayaa dowladda inay wax ka qabato rabshadaha ka dhacay halkaasi.

Labadii bilood ee la soo dhaafay, in ka badan 30 qof ayaa lagu dilay gobolka Benishangul-Gumuz oo ku yaalla xadka Itoobiya uu la wadaago Suudaanta Koonfureed.

Dagaallada halkaasi ka dhacay waxaa ku dhintay 17 kamid ah ciidammada dowladda halka kumannaan qof ay ka barakaceen.

Dowladda federaalka iyo maamullada waxay sheegeen in colaadda ay hurinayaan dad kasoo horjeedo isbaddallada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee ka socda Itoobiya oo uu gadhwadeenka ka yahay ra’iisal wasaare Abiy Axmed, sid ay baahisay Idaacadda BBC-da oo Himilo Warkan ka soo xigatay.

Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya waxay sheegeen in xabsiga loo taxaabay in ka badan 200 qof oo lala xidhiidhinayo rabshadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here