Mid ka mid ah hogaamiyayaasha sarsare ee Taliban oo duqeyn lagu dilay

0
494

Mid ka mid ah hogaamiyayaasha sarsare ee Taliban oo duqeyn lagu dilay

Mid ka mid ah abaanduulayaasha sarsare ee kooxda Taliban ayaa lagu dilay duqayn ay Mareykanka ka fuliyeen dalka Afqanistan.

Mullah Cabdul Manan Akhund ayaa ahaa ” barasaabka “iyo madaxa militariga Taliban ee gobolka Helmand.

Waxaa lagu dilay hogaamiyahani degmada Nawzad oo ka tirsan gobolka Helmand habeenimadii Sabtida ,sida ay sheegeen saraakiisha maamulka gobolkaasi.

Kooxda Taliban ayaa waxa ay dhimashadiisa ku tilmaameen “jab wayn oo soo gaaray”.

Balse waxa ay sheegeen in dilkiisa aysan ka hor istaagi doonin dadaalka ay ugu jiraan in ay dib ula wareegaan guud ahaan dalka Afqanistan.

Afhayeenka wasaarada arrimaha gudaha ee Afqanistan Najib Danish ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in dhimashada Mullah Cabdul Manan ay jab wayn ku tahay Taliban “ayna hoos u dhigi doonto niyadooda”dagaalka ay ka wadaan Koonfurta dalkaasi.

Gobolka Helmand ayaa ah goobtii ay ciidamada Britain ku sugnaayeen muddo 8 sano ah ka hor intii aan laga soo daadgureyn 2014.

Qaybo badan oo gobolkaasi ka mid ah ayaa waxa imika gacanta ku haya kooxda Taliban.

Baaritaan ay BBC samaysay horraantii sanadkan ayaa muujinayay in Talibaan ay dhul badan la wareegeen tan iyo 2014.

Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in 15 milyan oo qof oo ah kala bar dadka dalkaasi ay ku nool yihiin dhulka ay gacanta ku hayaan Taliban .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here