Uhuru Kenyatta : Somaliya Kalluunka hanoo soo dhoofiso, annagana Qaadkaan u dhoofineynaa.

0
664

Uhuru Kenyatta : Somaliya Kalluunka hanoo soo dhoofiso, annagana Qaadkaan u dhoofineynaa.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa intii uu socday shirkii maanta soo gaba gaboobay ee Dhaqaalaha Badaha waxa uu booqday goobtii lagu soo bandhigayay wax soo saarka Soomaaliya, wuxuuna ka yiri hadal loo arkaayey kaftan in uu ka ahaa.

Mid ka mid ah hawlwadeenada goobta bandhigga ayaa madaxweyne Uhuru u sharaxayay kheyraadka kalluunka ee Soomaaliya, wuxuuna yiri “Waxaan rabnaa in kalluunka Soomaaliya loo iib keeno Kenya”.

Kadibna Uhuru Kenyatta ayaa ku jawaab celiyay “Haa kalluunka Soomaaliya waan soo dhoofsanaynaa, idinkuna qaadka naga dhoofsada”.

Qaadka ayaa ah 90% badeecooyinka ay Kenya u dhoofiso Soomaaliya, sannadkii horena waxaa ka soo galay lacag dhan Sh8.02 bilyan oo lacagta Kenya ah.

Labadan dal ayaa waxaa ka dhaxeeya heshiis aan cago badan ku taagnayn oo iskaashi ganacsi ah, kaas oo illaa hadda la sheegay in dheelitirka uusan sax ahayn, una janjeero dhanka Kenya oo maalin kasta qaad aad u tiro badan u soo dhoofisa Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here