Xarakada Al-shabaab Oo Qudha Ka Jaray Wadaad Suufi Ah,Oo Aflagaadeeyey Diinta Islaamka Sheegtayna Nabi

0
1271

Xarakada Al-shabaab Oo Qudha Ka Jaray Wadaad Suufi Ah,Oo Aflagaadeeyey Diinta Islaamka Sheegtayna Nabi

Qaraxyo si weyn looga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ayaa saakay lagu weeraray xarun ku taala Koonfur Magaalada Gaalkacyo.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray xaruntan oo uu leeyahay Sheekh C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare, oo ka mid ah Culimada sida weyn looga garanayo Magaalada Gaalkacyo.

Qaraxan ayaa waxaa xigay dabley hubeysan oo gudaha u gashay xaruntan, oo xilligii la weeraraayay ay ku sugnaayeen illaa 100 dhalinyaro ah, oo lagu sheegay xertii wadaadkan.

Dableydan ayaa la soo sheegaya in iska horimaad ay kala kulantay ciidan yar oo ku sugnaa xaruntaasi, iyadoo markii dambena ay gaareen Ciidamada Maamulka Galmudug.

Qarax labaad oo loo maleynayo in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa isla goobtaasi ka dhacay, intii uu iska horimaadku socday.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Galmudug ayaa la soo sheegaya in ay soo afjareen dableydii gudaha u gashay xaruntaasi.

Wariye-yaasha Magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in dableydaasi ay toogasho ka gaysatay gudaha xarunta, dadka ay dileyna loo maleynayo in uu ku jiro Sheekh C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare.

Wararka ayaa sheegaya in illaa 20 ruux lagu dilay qaraxyada iyo weerarka tooska ah ee lagu qaaday dhismaha ku yaala Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan, iyagoo ku faanay in ay beegsadeen daartii uu Koonfurta Gaalkacyo ku lahaa Sheekh C/weli.

Weerarkan waxaa uu ku soo beegmaya, xilli toddobaadkii hore ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo ballaaran ka gaysteen deegaanada hoostagga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug. Xarardheere waa degmada keliya ee Shabaabku ka jooggaan Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here