Guddiga cusub ee doorashada Koofur Galbeed oo maanta bilaabaya diiwaan gelinta Musharaxiinta

0
605

Guddiga cusub ee doorashada Koofur Galbeed oo maanta bilaabaya diiwaan gelinta Musharaxiinta

Guddiga cusub ee Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa maanta bilaabaya diiwaan gelinta Musharaxiinta u taagan xilkaas, iyadoo diiwaan gelinta ay socon doonto labo cisho.

Guddigan oo dhowaan la magacaabay ayaa shalay xilka kala wareegay Guddigii hore ee is casilay, waxaana muddo 10 cisho gudahood laga doonayaa inay ku qabtaan doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Musharaxiin dhowr ah ayaa u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed oo 5-ta bishan December ka dhaceysa magaalada Baydhabo, waxaana Musharaxiinta ay wadaan olole xooggan.

Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa labo jeer dib loo dhigay, waxaana dib u dhaca sabab u ahaa khilaaf horay uga taagnaa habka doorashada u dhaceyso iyo faragelin ay ka cabanayeen Guddigii hore ee doorashada Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here