Barasaab sheegay in muddo siddeed sano ah uusan wax mushaar ah qaadan+waa dalkee

0
652

Barasaab sheegay in muddo siddeed sano ah uusan wax mushaar ah qaadan+waa dalkee

Rauf Aregbesola oo ah barasaabka gobolka Osun oo ku yalla Koonfurta Galbeed ee dalka Nigeria ayaa sheegay in siddeeddi sano ee uu maamulayay gobolkaasi uusan wax mushaar ah qaadan.

Hadalkan oo uu ka sheegay meel ay dad badan isugu yimaaddeen ayaa wuxuu baraha bulshada uu ka dhaliyey muran aad u weyn.

Dad badan oo isticmaala baraha bulshada waxay hadalkiisa ku tilmaameen mid aan suuragal ahayn halka qaar kalena ay sheegeen in waxa uu sheegay ay been tahay isla markaasna aan la rumaysan karin.

Rauf Aregbesola wuxuu sheegay in dowladda wax walba uu baahanahay ay siiso ‘mushaar waxa aan ugu baahdo ayaaba Khalad ah’ .

“Guri, gaari, Shidaaal, caafimaad iyo kharashaadkeyga oo dhan haddii ay dowladda i siisay waxaaba khalad ah inaan mushaar qaato oo lacag umaba baahanin” ayu yiri barasaabka.

Wuxuuna sii raaciyey inuu hanti uu ka leeyahay hal guri oo uu dhistay intii uu ahaa guddoomiye gobol intii aanan la doorin uusan haynin jirin wax hanti ah.

 

Rauf Aregbesola mudda siddeed sano ahaa ayuu ahaa maamulaha gobolka Osun, dabayaaqada bishan ayuu xilkiisu dhammaanayaa.

Dalka Nigeria waxaa la sheegaa kharashka ku baxaa xubnaha la soo doorto inuu 13 jibbaar uu mushaarka bisha ay qaataan uu ka badan yahay.

Doorashadii bishi September ka dhacday Nigeriya ayaa loogga guuleystay xilka barasaabka gobolka Osun wuxuuna xilka ku wareejinayaa oo doorashada kaga guuleystay Alhaji Gboyega Oyetola.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here