Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta la horgeeyey Miisaaniyada 2019

0
646

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta la horgeeyey Miisaaniyada 2019

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta oo ah Sabti Taariikhduna ay ku beegan tahay 17/11/2018 waxa ay kulan ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ah aqrinta 1-aad miisaaniyadda dowladda 2019 iyo Aqrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka, islamarkaana ay soo xaadiraan.

 Xildhibaanada ayaa Arbacadii kulankii ay yeesheen waxa ay ku ansixiyeen ku noqoshada Miisaaniyadda Dowladda ee Sannada 2018, kaas oo uu horgeeyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Miisaaniyada dowladda ee sanadka 2019 ayaa dhan 340-Milyan oo Doolarka Mareykanka, waana miisaaniyadii ugu badneyn ee Baarlamaanka la horgeeyo.

Si kastaba Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa weli horyaalla Ajandayaal dhowr ah oo qaarkood Akhrinta 1aad iyo tan 2aad ay marsiiyeen iyo kuwo aan weli lahor-keenin si ay uga doodaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here