Maxkamad ku taal Kenya oo xabsi daa’in ku xukuntay wadaad fara xumeyn geestay

0
526

Maxkamad ku taal Kenya oo xabsi daa’in ku xukuntay wadaad fara xumeyn geestay

Maxkamada Magaalada Milindi ee dalka kenya ayaa xabsi daa’in ku xukuntay nin wadaad ah oo lagu eedeyay in uu fara xumeeyay wiil sagaal jir ah oo xaaskiisa dhashay.

Garsooraha Maxkamada Sylvia Wewa ayaa waxay sheegtay in dacwad soo oogayaasha ay cadeeyeen shakiga horay looga qabay arintaan oo dhacday 23-dii bishii ee sanadkii 2016-ka.

Ms Ms Wewa ayaa tilmaantay in falka uu ku kacay wadaadkan ay dhumineyso kalsoonidii lagu qabay diinta islaamka iyo mida waalidnimo.

Baaritaano caafimaad oo la sameeyay ayaa dhanka kale lagu ogaaday in wiilka yar looga tagay.Wadaadkan baraha ka ah madrasada Malindi ayaa waxaa uu u muuqday mid ka taxadaraya nolosha wiilkaan iyo tasiilaadka uu u baahan yahay.

Horaantii bishaan ayaa Ms Wewa waxay siisay dacwad soo oogayaasha 2 asbuuc in ay ku soo dhameestiraan baaritaanada la xiriira eedaha loo heesto macalinkan.

Dhanka kale xukunkaan ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay hey’ada xuquuqda Muslimiinta ee gobolka xeebta kenya oo loo yaqaan Mahuri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here