Khilaad Ba’an oo U Dhexeeya Xisaabiyaha Qaranka iyo Wasiirka Maaliyadda + Waxa uu Salka Ku Hayo.

0
810

Khilaad Ba’an oo U Dhexeeya Xisaabiyaha Qaranka iyo Wasiirka Maaliyadda + Waxa uu Salka Ku Hayo.

Waxa jirtay in uu Wasiirka maaliyaddu dhawaan soo saaray warqad ula jeedadeeduna tahay Bedel Shaqaale oo uu u soo qoray xisaabiyaha guud ee qaranka. Hadaba ugu horaynba wasiirku awood uma laha awood qaanuuni ah oo uu ku badali karo masuuliyiinta uu sheegay inuu is badal ku sameeyay. Sababta koowaad ayaa ah in Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu sanadkii badhtankiisii soo saaray xeer madaxwayne oo ujeedadiisu ahayd madax-banaanida Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka si uu u hanto ilaalinta isla-xisaabtanka maaliyadeed ee dalka si aan miisaaniyadda qaranka kharash-garaynteedu ugu lumin hanti-lunsi, horena dalkan usoo ragaadiyay mudooyinkii hore.

Dadaalka madaxwaynaha ayaa ahaa inuu ka handaraabo wasiirada iyo madaxda kale ee dawladdu inay sifo aan sax ahayn kula baxaan hantida umadda xafiiskuna uu noqdo mid ilaaliya kana joojiya arrintaas cid kasta oo isku dayda. Sababta labaad ayaa ah in madaxwaynuhu horeba u soo saaray xeer nidaamiye judhii uu xilka madaxtinimo la wareegay kaas oo ka hadlaya dhismaha wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumadda, isagoo xeernidaamiyahaasi Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ka mid dhigaya 17-ka hay’adood ee dawliga ah ee gaarka ah kuwaas oo u shaqeeya si madax banaan.

 

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranku waxa uu muhiimad ballaadhan u leeyahay dhismaha qaranka, una madax banana yahay gudashada waajibaadkiisa shaqo isagoo kaliya xidhiidh wada shaqayn ah la leh wasaaradda maaliyadda. Xidhiidhna la leh dhammaanba wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda. Hadaba ula jeedooyinka ugu muc wayn ee uu wasiirku ka leeyahay ayaa ah qaar ka yimid awoodiisa hawl fulineed oo liidata, taas oo uu ku qarinayo dhaliilo badan oo mudooyinkii u danbeeyay ba dul hoganayay wasaaradda. Wasiirka maaliyaddu wuxuu meel kaga dhacay nidaamkii dalka isagoo wiil beeshiisa ah kaas oo ay qaraabo dhaw yihiin doonaya inuu gaysto kharash bixinta guud ee xafiiska. Isagoo doonaya inuu marsado hanti boobka uu wado. Taas oo dhaawac ku noqonaysa xafiiska oo shaqadiisu tahay ilaalinta kalsoonida iyo aaminaadda nidaamka maaliyadeed ee dalka.

 

Wasiirku mudadii uu xilka hayay waxa hoos u dhac wayni ku yimid dakhli ururintii isagoo dad sidiisa oo kale ah meel walba dhigtay kastam iyo cashuuro berri ba. Isagoo markiisii hore ee uu kastamada joogay ku caan baxay xatooyo hanti umadeed oo baahsan, marar bandanna xilal hore lagaga xayuubiyay kadib markii lagu qabtay. Imikana isaga iyo asxaabtiisii ay u miciyo lisanayaan inay halkii ka wataan hawshoodii. Taas oo durba keentay dakhligii oo la waayay, lagana yaabo inaan mushahar la bixin Karin mudada sanadkan ka hadhsan. Waxa xusid mudan in xafiisku laf dhuun gadhay uu ku noqday shaqo xumada wasaaradda, iyadoo hadda, waa markii ugu horaysay taariikhdee uu baadhitaan ku socdo wasaaradda taas oo uu wado xafiiska hantidhawrka guud ee qaranku.

 

Waxay u muuqataa in wasiirku ul booca ugu tukubayo iskuna dayayo inuu danbabaso maamul xumo uu kusoo ragaadiyay wasaaradda ilaa mudadii xukuumaddani dhalatay taas oo keentay dhaqaale burbur baahsan oo isugu jira dakhli yaraan, sicir barar iyo jahawareer cashuur kordhineed oo aan geedna haysan. Hadaba waxa laga dhur suagayaa madaxwaynaha go’aanka uu ka qaato iyadoo la hadal hayo mudooyinkii u danbeeyay ba in wasiirka laga badalayo booskan uujarka ka tuuray milgihiisii iyo kaalintii uu qarankan ku lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here