Booliska Nigeria oo xabsiga u taxaabay boqolaal kamid ah Shiicada dalkaasi.

0
624

Booliska Nigeria oo xabsiga u taxaabay boqolaal kamid ah Shiicada dalkaasi.

Booliska dalka Nigeria waxay sheegeen inay xabsiga dhigeen 400 oo kamid ah Shiicada dalkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay dibadbaxyo ka dhigayay magaalada caasimadda ah ee Abuja.

Booliska waxay sheegeen in dadka aaminsan madhabta Shiicada ee taabacsan dhaqdhaqaaqa Shiicada ee Iiraan ay haystaan hub halis ah oo gaarayo 31.

Kooxda Shiicada Nigeria waxay dibadbaxyada ku codsanayaan in xabsiga laga soo daayo hoggaamiyahooda Ibraahim Zakzaky oo ay dowladda xirtay sannadkii 2015-kii kaddib markii lagu eedeeyay inuu hurinayay qalalaase.

Militariga Nigeria waxay xaqiijiyeen in ciidammada ay toogteen saddex qof oo kamid ah dadka dibadbaxa dhigayay isla markaasna waxay ku eedeeyeen inay gaysteen rabshado khasaare dhaliyay.

Kooxda Shiicada ee dalka Nigeria waxay sheegeen in 50 xubnood ay ciidammada ka dileen xilliggii ay mudaaharaadyada wadeen.

Dadka u dooda xuquuqul insaanka waxay sheegeen in 300 xubnood oo ka tirsan Shiicada Nigeria la toogtay xilliggii ay militariga wadeen howlgalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here