Shariif Xasan oo is bedel ku sameeyay Saraakiisha iyo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada

0
555

Shariif Xasan oo is bedel ku sameeyay Saraakiisha iyo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa is bedel ku sameeyay Saraakiisha iyo ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Koofur Galbeed.

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Saraakiisha iyo Ciidamada ilaalinayay madaxtooyada ayaa lagu xareeyay xero ku taal gudaha magaalada Baydhbao.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa kulamo gaar ah la qaatay La Taliyeyaasha dhinaca Ammaanka, waxaana ay isla gaareen in is bedel lagu sameeyo Ilaalada Madaxtooyada.

Ciidamo cusub ayaa la wareegay Madaxtooyada Koofur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Lama oga in arrintan ay salka ku heyso doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo la filayo inay dhacdo 17-ka bisha November ee soo socota.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda olole doorasho, waxaana magaalada ku jirtaa xaalad kala guur ah, iyadoo isha lagu haayo doorashada dhici doonta 17-ka bisha November.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here