Mulkiilihii kooxda Leicester City ee ka dhisan dalka Britain oo geeriyooday

0
675

Mulkiilihii kooxda Leicester City ee ka dhisan dalka Britain oo geeriyooday

Mulkiilihii kooxda Leicester City ayaa geeriyooday ka dib markii ay garoonka kubadda bannaankiisa ku burburtay diyaaraddii qumaatiga u kacasay ee wadday, sida ay kooxdu xaqiijisay.

Vichai Srivaddhanaprabha, labo ka mid ah shaqaalihiisa, duuliyihii iyo qof weheliyay ayaa ku dhintay burburka diyaaradda Sabtidii.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in diyaaraddu ay kontoroolka lumisay waxyar uun ka dib markii ay garoonka waydaaratay ayna dhacday oo dab qabsaday.

Tobannaan kun oo ubaxyo iyo marooyin tacsi ah ayaa la dhigay meeshii uu shilkaasi ka dhacay.

Leicester CityLahaanshaha sawirkaJAMIE COOPER/HIOPTIC

Booliiska Leicester ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in dadka dhintay ay kala yihiin:

  • Mulkiilihii kooxda Leicester Vichai Srivaddhanaprabha,
  • Labo ka mid ah shaqaalihiisa oo kala ah Nursara Suknamai iyo Kaveporn Punpare
  • Duuliye Eric Swaffer
  • Iyo Izabela Roza Lechowicz oo wehelisay.

Izabela oo UK u soo wareegtay 1997 iyada oo kaga timid dhanka Poland iyo Eric ayaa ahaa duuliyeyaal xirfadleyaal ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Poland ayaa lagu sheegay “in ay aad uga xunyihiin warka soo gaaray ee sheegaya in Izabela ay ku dhimatay masiibadii Leicester.

Safaaraddu waxay intaas ku sii dartay in ay duuliye wanaagsan ahayd, ayna ku guulaysatay tartanka Polka 100. Isla markaasna ay gacan ka gaysatay in Poland ay sawir wanaagsan ku yeelato UK.

Leicester CityLahaanshaha sawirka.

Duuliye Eric ayaa sidoo kale lahaa khibrad duuliyenimo oo 20 sano ah, isaga oo duulin jiray diyaarado gaar loo leeyahay.

Khibraddiisa duuliyenimo waxaa ka mid ahaa in uu warbaahinta u samayn jiray duulimaadyo warbixinno toos loo tabinayo sida barnaamij uu leeyahay telefeshinka Chennel 4.

Jamie Vardy oo ka tacsiyaynaya geerida mulkiilaha kooxda uu u dheela ayaa sheegay in uusan garanaynin hadallo uu ku cabiro waxa dhacay.

Wa kuma Vichai Srivaddhanaprabha?

Waa abbe afar carruur ah dhalay

Waa maal qabeen bilyan dheer ah isla markaana aasaasaha shirkadda King Power International

Wargeyska Forbes Magazine wuxuu Vichai uu ku tilmaamay inuu kalinta shanaad ka galayo liiska maalqabeennada dalka Thailand.

Kooxda Leicester City sannadkii 2010-kii wuxuu ku iibsaday 39 milyan oo gini.

Inta uu Vichai Kooxda Leicester City iibsaday waxay kooxdu hanatay koobka Premier League 2016-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here