Askari Ka Tirsan Ciidanka Taraafikada Yemen oo Astaan u Noqday Waddaniyadda.. Sidan Ayuu u Ciqaabaa Darawallada

0
641

Askari Ka Tirsan Ciidanka Taraafikada Yemen oo Astaan u Noqday Waddaniyadda.. Sidan Ayuu u Ciqaabaa Darawallada

Cali Ciise  waa nin u dhashay  dalka Yemen waxa uu ka mid  yahay ciidanka waddooyinka ee  taraafikada, waxa uu ku nool yaha  waqooyiga dalka Yeamen gaar ahaan  magaalada Sacda, waxa uu shaqada bilaabay 1990  waana nin caan ka ah deegaanka oo gaadiidleyda oo dhan waa  ay wada garanayaan.

Subax walba waxa uu soo istaagaa  wadada si uu u kala hago gaadiidka, laakiin  nasiib xumo dhamaan gaadiidleydu kuma hoggaansamaan sharciga  wadada, sababtuna waxa weeye sharciga oo iyo nidaamkii dawladnimada oo daciifay gudaha dalka Yemen, taasina waxa ay sababtay in   baabuurtii oo dhan ay is-dhex yaacdo, sida dalkeenna oo kale.

Marar badan ayuu isku dayay in qofkii sharciga  jebiya uu sharciga la tiigsado, laakiin darawallada intooda badani waxey ku tunteen sharciga oo cid u hoggaansanta ayaan jirin.

Laakiin  Ciise oo u warramayey Al-Jazeera, ayaa waxa uu yiri; “Mar hadii aan anigu jeclahay shaqada  waa in aan ka soo dhalaalaa”, asaga oo sheegay in mararka qaar uu jiro ciriiri badan, laakiin  taasi uma horseedeyso in uu shaqadiisa ka tago.

Hadaba; markii uu  Cali Ciise uu garwaaqsaday in darawalladu aysan u hoggaansameyn sharciga  waxa uu la soo baxay hab cusub oo uu cashar ugu dhigay darawallada oo noqotay   in lagu faafiyo Baraha -bulshada dadkuna ay aad u hadal hayaan.

Cali waxa uu adeegsaday edbin u goonni ah, qofka dambi waddo maris ah gala in uu dhegta ka maroojiyo  oo uu xanuujiyo asaga oo ku dareensiinaya in qofkaasi uu khalad galay. sidaas oo kale; inta uu ul qaato ayuu  gacanta uga garaacaa qofka sharciga waddo marista jabiya, asaga oo intaas u sii raacsiinaya ceeb ayay kugu tahay  in aad sharciga jabiso.

Cali Ciise waxa uu  yiri: “Ma haddii nidaamkii dawladnimada  iyo u hogaansanaata sharciga ay meesha ka baxday  waxaa waajib igu ah inaan ilaaliyo dalkeyga oo aan  ka niyad jabin hawsheyda, waayo dalkeyga waan jeclahay  waxaanan mar walba jeclahay in aan nabadgelyadiisa ka qeybqaato”.

Waxa kale oo uu intaasi  ku sii daray; in mararka qaar uu arko caruur aad u da’yar oo baabuurta wadda  iyaga oo aan gaarin da’dii loogu talagalay in ay baabuurta lagu kaxeeyo.

Tallaabadan  uu Cali Ciise  qaaday ayaa ammaan loogu soo jeediyey  Baraha-bulshada dhamaan dadkii oo dhana  wey u riyaaqeen sida uu dalkiisa u jecelyahay.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here