Boqorka Sacudi Carabiya oo tacsi u direy qoyska Jamal Khashuggi

0
578

Boqorka Sacudi Carabiya oo tacsi u direy qoyska Jamal Khashuggi

Boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan iyo wiilkiisa Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa labaduba taleefoon kula hadlay wiilka uu dhalay Jamaal Khashoqqi kaasoo lagu magacaabo Saalax iyaga oo uga tacsiyeeyay dilka aabihiis loo geystay.

Saalax Khashoqqi ayaa daggan dalka Sucuudiga waxaana jariidadda Wall Street Journal ay sheegtay in horay looga mamnuucay ka bixitaanka waddanka, si uusan u soo booqanin aabihiis oo baxsad ku tagay dalka Mareykanka.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Caadil Al-Jubeyr ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in “dilka” uu ahaa “khalad aad u weyn” wuxuuna beeniyay in dhaxal sugaha boqortooyada ee awoodda badan uu amray dilkaas.

Wariyahaas ayaa markii ugu dambeysay la arkayay isagoo sii galaya Qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istambul.

Mas’uuliyiinta Sucuudiga oo cadaadis xooggan uu ku saarnaa iney meel ku sheegaan wariyahaas ayaa bixiyay hadallo iyo macluumaad iska hor imaanaya.

Markii hore waxay sheegeen in 2dii Oktoobar uu si nabad ah uga baxay qunsuliyadda isagoo aan waxba la yeelin, balse maalintii Jimcaha ayey markii ugu horreysay qirteen inuu dhintay, iyagoo sheegay in lagu dilay dagaal ka dhacay qudaha qunsuliyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here