Madaxweyne Farmaajo oo si kulul u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo

0
579

Madaxweyne Farmaajo oo si kulul u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay dadka faraha badan ku dhinteen, isagoo faray Xukuumadda inay si deg deg ah gargaar caafimaad u gaarsiiso dhaawacyada culus ee sida bahalnimada leh argagixisada Alshabaab ay qaraxyo kula beeegsadeen magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha oo tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku shahiiday weerarkan arxan darrada ah ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan qoysaska dadka ay dhibaateeyeen argagaxisada Alshabaab.

“Inaa Lillaahi waa inaa Ilayhi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada ay ka shahiideen dadkii sida arxan darrada ah ay u gumaadeen argagixasada Alshabaab. Waxaan Alle uga baryayaa in uu si deg deg ah u bogsiiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi.”

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan wadashaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga, si looga hortago falalka gurracan ee uu cadawgu ku beegsanayo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan bartilmaameedka ka dhigtay gumaadka iyo ciribtirka shacabka Soomaaliyeed, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa si looga sifeeyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here