Daawo Sawirada : Abiy Ahmed oo si cajiib ah ula dhaqmay Milatari gadood sameeyay

0
783

Daawo Sawirada : Abiy Ahmed oo si cajiib ah ula dhaqmay Milatari gadood sameeyay

Boqolaal askari oo katirsan ciidanka Milatariga Itoobiya oo gadoodsanaa ayaa shalay socod ku tagay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ku leeyahay magaalada Adis Ababa.

Ciidamadan gadoodka sameeyay ayaa dalbanayay in la siiyo mushaarkooda sidoo kale loo kordhiyo, waxa ayna ciidankan ku labisnaayeen dareeska Milatariga iyaga oo qaarkoodna ay hubeeasnaayeen taas oo cabsi iyo dareen badan abuurtay.

Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa ahaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran , waxa ayna ciidankan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha tageen iyaga oo gaardiinaya si wanaagsana u dhaqmaya.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa markii dambe ciidamada gadoodka sameeyay usoo baxay lana kulmay, waxa uuna marka hore Ra’isul Wasaaraha ku amray ciidankan in ay sameeyana jimicsi gaar ahaan buush ab uu isagu bilaabay.

Abiy Ahmed ayaa wadahadalo kadib ciidankan ku qanciyay in wax badan laga qaban doono cabashadooda, waxaana la arkayay sawiro uu Ra’isul Wasaaraha la galay ciidankii gadoodsanaa oo markii dambe iyaga oo faraxsan dib ugu laabtay xeryahooda.

Gadoodka ay sameeyeen ciidamada Milatariga Itoobiya katirsan ayaa dareen badan ka abuurtay magaalada Adis Ababa, waxaana dowlada si deg deg ah u jartay khadkii Internetka inkastoo markii dambe lasoo daayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here