Sharikadda Google oo xiraysa barnaamijkeeda Google+

0
755

Sharikadda Google oo xiraysa barnaamijkeeda Google+

Shrikadda Google ayaa xiraysa inta badan shabakadaha bulshada, ee Google+, loo yaqaan, kadib markii la jabsaday xogta 500,000 oo qof oo shabakaddaas isticmaala.

Sharikadda ayaa sheegtay in khaladka ka dhex jira barnaamijyadeeda ay la macne tahay in xogta dadka ee rumaysnaa in xogtoodu ay ayaga u gaar tahay ay dad kale ogaan karaan.

Sharikadda ayaa arrintan ogaatay bishii March, balse ma aanay ogaysiisn dadka adeegsada shabakaddaas iyo maamuleyaasha toona.

Barnaamijka Google+ ayaa la daahfuray sanadkii 2011 si loola tartansiiyo Facebook. Balse wuu guuldarraystay. markii dambena waxaa laga dhigay qayb kamid ah shabakadda ballaaran ee Google ee adeegyada kal duwan isku xirta.

Bihii March, markii ay soo ifbaxday fadeexaddii Facebook ee Cambridge Analytica, Google ayaa samaysay baadhitaan ayada u gaar ah oo ku aaddan in gacan saddexaad ay adeegsan karto barnaamijyada Google+.

Jawaabta ayaa noqotay Haah – balse sharikadda ayaa go’aansatay in dhibaatadu aanay gaarsiisnayn heer la xiro barnaamijka oo idil.

Wargayska Wall Street Journal ayaa soo xigtay qoraallo hoose oo muujiyey in madaxda fulinta ee sharikadda Google ay ka walaacsan yihiin in ay arrintani soo jeedinayso indhaha bulshada adeegsata haddi la ogaado in khalad uu ka dhex jiro barnaamijka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here