War Murtiyeed laga soo saaray Shir Wasiiro Arrimo Dibadeed oo ka dhacay Jabuuti

0
605

War Murtiyeed laga soo saaray Shir Wasiiro Arrimo Dibadeed oo ka dhacay Jabuuti

Kulan ay ku yeesheen magaalada Jabuuti Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Eritrea, Itoobiya, iyo Soomaaliya iyo dalka Jabuuti, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban oo si taxadar leh loo dhigay hadallada ku qoran.

Warmurtiyeedka ayaa lagu yiri “booqashadan muhiimka ah waa natiijada dadaalka wadajirka ah ee dalalka gobolka, waxayna u taagan tahay qiimaha uu ku fadhiyo hindisaha lagu heshiisiinayo dalalka gobolka iyo sidoo kale tallaabo weyn oo loo qaaday adkaynta nabadda iyo deganaanshaha gobolka, ayadoo lagu taageerayo isdhexgalka dhaqaale ee geeska Afrika”

Wasiirrada ayaa markii uu dhamaaday kulankii ay ku lahaayeen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda, waxay booqasho sharafeed ugu tageen madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka mid ah wasiiradaas,iyada oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qeyb qaadaneyso xalinta khilaafka mudada soo jiray ee u dhaxeeya Wadamada Jabuuti iyo Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here